U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Ka Qeyb Galay Shir Madaxeed Sharma Shiikh

Sheeko:Caalamka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo maanta ka furmay magaaladaasi.
Shirka oo ay ka qaybgalayaan madax ka socota Qaaradda Afrika ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa Isku dubaridka maalgelinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door muhiim ah uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Afrika kala qaybgalaya dood-cilmiyeed ku saabsan caqabadaha qaaradda Afrika ka heysta qaab dhismeedka dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah ay qayb uga noqon karaan xal waara oo loo helo dhibaatooyinka soo wajahaya Afrika.
Goobjoog News