U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan La Qaatay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogta ah

Sheeko:Baarlamaanka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa  kulan mahadcelin ah la qaaatay  Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka iyo guddiga joogtada ah.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen Xukuumadda ansixinta shuruucda kaabaysa Dhaqaalaha, Amniga, Deyn-cafinta iyo Arrimaha Bulshada.
Kulanka aayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka federalka mudane Shiikh Aadan  iyo ku- xigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka iyo Guddiga Joogtada  ku ammaanay in kaalin muhiim ah ay ka qaateen golaha sharci dejinta habsami u socodka shaqada Xukuumadda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa xukuumadda kula dardaarmay in shuruucda la ansixiyay ay muhiim u tahay in hore loo sii amba qaado shaqada holaha fulinta.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli golaha shacabka ay meel mareen dhowr sharci, kuwaas oo ay soo gudbisay xukuumadda federalka, kuwaas oo ka gudbay labada gole oo madaxweynuhu sixiixay.
Goobjoog News