U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo U Ambabaxay Ka Qeybgalka Shirka TICAD

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Barre ayaa maanta ka ambabaxay dalka isaga oo ku siijeeda magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia, waxaana safarka ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan xafiiskiisa.

Ra’iisulwasaaraha ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka caalamiga ah ee hormarinta Afrika ee (TICAD), waxaana shirkaan ka qeyb gali doona madax kala socota wadamada Afrika iyo dowladda Japan, iyadoo ay martigalinayo Tunisia.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa inuu sirasmi ah u furmo maalinta barri oo sabti ah taariikhduna tahay 27-ka bisha August, waxaana lasoo gabagabeyn doonaa maalinta xigta ee 28-ka August, iyadoo looga hadlayo arrimo nabadda ay ku jirto.

Tokyo International Conference of African Development ayaa waxaa uu soo bilowday sanadkii 1993-dii, dowladda Japan ayaa martigelisa, waxaana looga hadlaa hormarinta , nabadda iyo ammaanka dalalka ku yaalla qaaradda Afrika.

Goobjoog News