U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaarihii Hore Ee Japan oo Toogasho Lagu Dilay

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Japan Shinzo Abe ayaa maanta  jimca ah  geeriyooday, kadib markii la toogtay xilli uu la hadlaayay taageerayaashiisa, waxaana la sheegayaa inuu toogtay qof indhaha soo xirtay, waxaana Abe soo gaaray dhaawac, kaas oo geenay inuu u geeriyooday.

Raysalwasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa laba jeer qoorta laga toogtay mar uu khudbad ka jeedinyay magaalada Nara maanta oo Jimce ah, ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin lagu tuhusan yahay inuu fuliyay dilka hoggaamihii hore ee dalka weynaha Japan Abe,

Wuxuu ka qeybgalayay olole siyaasadeed markii qof ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta uu rasaas ku ekeeyay Abe oo masraxa saarnaa, waxaana muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaan in isaga oo hadlaya mar qura rasaastu dhacday, waxaana soo gaaray dhaawac daran uu u geeriyooday.

Shinzo Abe ayaa September 21sanadkii 1954-kii ku dhashay magaalada Shinjuku, sanadkii 2006 -2007 ayuu qeyb ka noqday xisbiga Liberal Democratic Party dalka ayuu Ra’iisulwasaare ka noqday laba jeer isaga oo markii ugu dambeysay 2012, dib loosoo  doortay, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2020, waxaana hadda uu waday ololihiisa.

Goobjoog News