U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaaraha Ciraaq Oo Ku Dhawaaqay Bilaabashada Dagaalka Muusil

Sheeko:Caalamka

Ra’isul Wasaaraha Ciraaq Xeydar Cabaadi oo ka hadlayey Telefishinka ayaa sheegay in uu bilaabanayo dagaal lagu xureynayo magaalada Musil oo hadda gacanta ugu jirta Daacish.

Ra’isul Wasaaraha waxaa uu intaa ku daray in dagaalka uu daba dheeraan doono laakin loo baahan yahay in samar iyo dul-qaad loo yeesho.

Dagaalka oo cir iyo dhul waxaa ka qeyb-qaadanaya ciidamo ka tirsan Ciraaq, Kurdi, Turki iyo ciidamada loo yaqaano huwanka, dhammaan waxaa loo bahoobay la dagaalanka Daacish.

Daacish waxaa Khilaafo ku dhawaaqday 2014-kii, iyadoo madax u dooratay Abuubakar Al-Baqdaadi.