U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Oo Xaalad Degdeg Ah Dalka Geliyay

Sheeko:Caalamka

Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa maanta dalkaasi  geliyay xaalad degdeg ah.

Ra’isul wasaaraha Desalegn ayaa sheegay in xaaladda degdega ah ay socon doonto muddo lix bil ah oo ka bilaabaneysa October 8.

“Waxaan xaaladdan u soo rogney, waayo xaaladda dalka waxaa ay gashay khatar” sidaa waxaa sheegay Desalegn.

Axaddii tagtay 55 qof ayaa ku dhimatay dibad bax dalkaasi dhacay, dibad baxa waxaa wada qowmiyadda Oromada.

Itoobiya oo lagu tiriyo waddamada dhaqaalahooda uu sida dhaqasaha leh u karo ayaa la sheegayaa in dhibaato u soo jideen dibad baxyada ay waddaan Oromada dalkaas oo dhibaato badan ka tabanaya qowmiyadda tirada yar ee Tigreyga.

Goobjoog News