U bood dhigaalka

Ra’isul wasaare Maxamed Rooble oo La Ansixiyey, Codsi Kale Ayuu Diray

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’isul wasaaraha uu dhowaan magacaabay madaxweyne Farmaajo ee Maxamed Rooble ayaa maanta helay codka kalsoonida iyada oo golaha shacabka ay siiyeen 215 cod oo inta hoolka joogtay, ma jirin cid diiday ama ka aamustay.

Dhankiisa, khudbad uu jeediyey Rooble waxaa uu sheegay inuu soo dhisayo xukuumad wax ka qabata arrimaha amniga, dhaqaalaha, ladagaalanka musuqa, dowlad wanaagga iyo xiriirka caalamiga ah.

Ra’isul wasaaraha cusub waxaa uu ka codsaday in xukuumadiisa ay sida maanta oo kale kalsooni siiyaan marka uu soo dhiso.

Goobjoog News