U bood dhigaalka

Ra’isulwasaaraha Canada Oo Dalkiisa Ka Mamnuucay Ajaaniibta Cabsi La Xiriirta Faafidda Coronavirus

Sheeko:Caalamka

Ra’isulwasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ka dhawaajiyay in dalkiisa laga mamnuucay ajaaniibta faraha badan marka laga reebo dadka u dhashay dalka Mareykanka iyo dadka heysta degenaanshaha joogtada ah ee dalkaasi.

Go’aanka ra’isulwasaaraha Canada ayaa looga gonleeyahay sidii loo xakameyn lahaa caabuqa dunida ku sii fidiya ee Coronavirus.

Sidoo kale waxaa shirkadaha diyaaradaha lagu amray in aysan soo qaadin dadka lagu arko astaamaha cudurkan, waxaana ra’isulwasaaraha Canada uu sheegay in go’aankan ay ku wargaliyeen wadamada uu iskaashiga kala dhaxeeyo.

“Xilli fayraska uu sii faafayo, waxaan go’aansannay in aan qaadno tallaabooyin si aan u ilaalinno badqabka qoysaska,” ayuu yiri Trudeau.

Tallaabooyinka cusub ee ay shaaca ka qaaday Canada waxay si rasmi ah u dhaqan galayaan Arbacada, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegayaa in ay isku dayeyso in ay hesho tallaalka Coronavirus oo fara ba’an ku haya guud ahaan caalamka.

Goobjoog News