U bood dhigaalka

Robert Mugabe Oo Tartami Doona Doorashada Dhaceysa 2018-ka Isagoo 94 Jir Ah

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo 93 jir noqonaya bisha February ayaa sabtidii waxaa ay xisbigiisa u ogolaadeen in uu u tartamo doorashada dalkaasi ka dhaceysa 2018.

Xisbiga talada haya ee Zambabwe ZANU-PF ayey taageerayaashiisa sheegeen in uu Mugabe u tartami doono xilli ay ku kulansanaayeen magaalada koofurta ku taallo ee Masvingo.

Sharaxaadda Mugabe waxaa ka soo horjeeda xataa dad ka tirsan Xisbigiisa halka Mucaaradka ay ku tilmaameen tilaabo waali ah.
Beeraleyda caddaanka ayuu kala wareegay dhulkii isagoo ku siiyay dadka Madawga ah, waxaa intaas dheer isagoo aan dheg jalaq u siin cunaqabateynta ay ku soo rogeen reer galbeedka tilaabadaas kadib.

Goobjoog News