U bood dhigaalka

Rooble Oo Baaq U Diray Hirshabeelle iyo Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa  sheegay inuu uu si dhaw ula socodo juhdi badan uu kuxinayo dhammaystirka doorashada kuraasta golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya  ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle, kuwaas oo wali aan soo dhamaystirin doorashada Baarlamaanka 11-aad.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale u hambalyayey Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle, kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini oo isagu ahaa guddoomiyhii guddiga SEIT Hirshabeelle, waxaana xilka ka qaaday Cali Guudlaawe, Rooble ayaa faray dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.
Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin, waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubbaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.
Goobjoog News