U bood dhigaalka

Rooble oo Fariin u Diray Taliska ATMIS

Sheeko:Baarlamaanka
Ra’iisulawasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaq u diray ku ku aadan doorashada taliska nabad ilaalinta ATMIS, waxaana uu ugu baaqay in ay adkeeyaan amniga Teendhada Afisyooni,
taas oo maalinta barri ah lagu qaban doono doorashada guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.
“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota.
Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka” ayaa lagu yiri qoraal uu soo galiyey Bartiisa Facebook.
Ra’iisalwasaaraha ayaa sidoo kale waxaa uu baaq udiray xildhibaannada golaha shacabka ee barri lagu wado in ay tagaan teendhada Afisyooni ee doorashadu ay ka dhacayso” Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga” ayaa lagu yiri gabagabada qoraalka kasoo baxay Ra’iisalwase Maxammed Xuseen Rooble.
Hadalka kasoo baxay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo barri lagu wado in Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane  ka dhacayso doorashada guddoonka golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana jirtay in habeenkii xalay guddoomiyaha KMG ah Dhabancad ay weerareen ciidamo ka tirsan dowladda xilli uu sugnaa goob lagu dhaarinayey xildhibaannadii Ceelwaaq  lagu doortay.
Goobjoog News