U bood dhigaalka

Rooble oo Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad oo caawa lagu doortay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooke uu ku yiri.
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin diiran u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa lagu doortay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.
Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka”
Ra’iisulwasaaraha ayaa guddoomiye Aadan Madoobe waxaa uu u rajayeeyay inuu Allah u fududeeyo mas’uuliyadda loo idlamay, waxaana uu kula dardaarmay in doorashada madaxweynaha uu goluhu si hufan u maareeyo” Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka waxaan u rajeynayaa in uu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay iyo in doorashada madaxweynaha dalka u maareeyaan si daah-furan, deg deg ah oo nabdoon, mas’uuliyaddaas oo ay la wadaaagaan guddoonka Aqalka Sare oo isagana la doortay” ayuu yiri.
“Waxaa mahad leh Allaha weyn oo noo suurto-geliyay in howlshii adkeyd ee doorashadu soo gaartay heerkan gabo-gabada ah . Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa guddoonkii KMG ahaa ee labada aqal, guddiyadii doorashada heerar-kooda kala duwan, ciidamada ammaanka Dalka iyo kuwa ATMIS, dowlad-goboleedyada dalka, beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed ee dulqaadka iyo taageerada nala garab joogay iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd guushan la gaaray”  ayuu ku yiri gabagabadii qoralkiisa Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka.
Goobjoog News