U bood dhigaalka

Rooble oo Hambalyo u Diray Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo wuxuu diray guddoomiye  ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya Sacdia Xaaji Samatar iyo Cabdullaahi Maxamed Abshirow oo kusoo kala baxay labada ku-xigeen guddoonka Baarlamaanka.

“Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo caawa la doortay. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee culus ee loo doortay” ayuu ku yiri qoraalkiisa uu Ra’iisulwasaaraha ugu hambalyeeyay ku-xigeenka 1-aad.
“Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda weyn ee loo igmaday” ayuu yiri sidoo kale xilli uu hambalyo u dirayay  guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa lagu soo idleeyay doorashada guddoonka golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana ka sii horeeyay guddoonka aqalka sare, waxaana dhowaan sidoo kale lagu wadaa Muqdisho in ay martigaliso doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka oo qaban qaabadiisu bilaaban.
Goobjoog News