U bood dhigaalka

Rooble oo Imaaraadka Ka tiray Boogtii Farmaajo, Lana Kulmay Dhaxal sugaha iyo Ra’isul wasaaraha

Sheeko:Caalamka

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo haatan ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa u muuqda mid guulo taariikhi ah kasoo hoyey safarkiisa, isaga oo la kulmay dhammaan madaxda UAE sida dhaxal sugaha, ra’isul wasaaraha iyo qaar ka tirsan golaha wasiirada, iyada oo lagu heshiiyey in bog cusub loo furo xiriirka labada dal, lana iloobo boogtii hore.

Mr. Rooble ayaa kulan gaar ah waxaa uu talaadadii la qaatay dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan, iyada oo laga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, qadiyado u adeegaya maslaxadda labada dhinac iyo arrimo kale oo Abu Dhabi iyo Muqdisho ay daneeyaan.

Aala Nahyaan, Dhaxal sugaha waxaa uu carabta ku dhuftay in dalkiisa uu rajo weyn ka qabo in hadda wixii ka dambeeya uu bog cusub oo xiriir wanaagsan ah iyo iskaashi muuqda oo ku saabsan masaalixda labada dal u dhexmari doono iyaga iyo  Soomaaliya.

Maxamed Bin Zaayid waxaa uu ka mahadceliyey mowqifka Soomaaliya ay ku dhaleeceysay duqeyntii Xuutiyiinta ka fuliyeen goobo rayid oo Imaaraadka ah iyada oo Dhaxal sugaha oo sidoo kale ah ku xigeenka ciidamada qalabka sida ay kulanka ku wehliyeen Hamdaan Bin Zaayid Aala Nahyaan, Dhaxnuun Bin Maxamed Ala Bahyaan iyo Shakhbuud Bin Nahyaan.

Rooble, ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyey kaalinta Imaaraadka iyo xikmadda ay muujiyeen sanadihii tagay, isaga oo intaa raaciyey in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah, oo aan si fudud oo wasaqeyn karin.

Ra’iusl wasaaraha Soomaaliya ayaa Aala Nahyaan iyo qaar kale la hadlay caadiyeynta xiriirka labada dal, fududeynta fiisaha iyo ganacsiga, doorashada socota, taageerada arrimaha abaarta iyo qadiyado kale.

Rooble ayaa maanta oo arbaca ah kulan gaar ah la qaatay dhamaan madaxda hay’adaha gargaarka ee fadhigoodu yahay Imaaradka, isagoo kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen abaaraha dalka ka jiro iyo arrimo kale.

Dhankeeda, dowladda Imaaraadka ayaa aqbashay raalligelinta iyo cudur-daarka Maxamed Rooble ee lacagtooda 9-ka milyan ee doolar ah ee la xayiray 2018-kii.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in hindisahan Rooble uu ka tarjumayo sida uu u qoto-dheer yahay xiriirka labada dal ee walaalaha ah, iyo in la qadarinayo kaalinta Imaaraadka ee taageerada dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Lacagtan ay la wareegeen Farmaajo iyo kooxdiisa ayey Imaaraadku sheegeen in lagu taageerayey ciidamada Soomaaliya iyada oo laga amba-qaadayo heshiis labada dal dhexmaray 2014-kii.

Imaaraadka ayaa sidoo kale balanqaaday iney Soomaaliya la garab taagan yihiin taageero dhan walba, oo wax looga qabanayo degenaanshiyaha iyo horumarka.

Imaaraadka ayaa tillaabadan qaaday kadib markii maxkamadda gobolka Banaadir ay xayirtay lacag 9 Milyan oo doolar ah oo ay leedahay UAE.

Isla cudurdaarka Rooble ee lacagta, Dr. Maxamed Anwar Qarqaash oo ah la taliyaha diblomaasiga ee madaxweynaha Imaaraadka, horay dagaal adag ula galay kooxda Farmaajo ayaa saacadihii tagay sheegay in ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble uu yahay nin fahamsan qoto-dheerida xiriirka labada dal, hadalkiisana uu bog cusub furayo, indhana u furayo, isla markaana caddeyn u yahay in taageerada aan siinno walaalaheen Soomaaliya ay tahay waajib taariikhi ah iyo is garab istaagga duruufaha adag,

Arrimahan ayaa imaanayaa iyada oo Rooble iyo wafdigiisa oo ku sugan Imaaraadka ay la kulmeen isla talaaladii wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Shakhbuud Binu Nahyaan iyada oo laga wada hadlay kaalmooyinka Imaaraadka ee Soomaaliya ee abaarta, iyada oo saacado ka sii horeysana uu Rooble qaabilay Xaakimka Dubai oo ah ra’isul wasaaraha dalkaasi iyo madaxweyne ku xigeenka Maxamed Bin Raashid.

Safarka Ra’isul wasaare Rooble ugu kicitimay dalka Imaaraadka ayaa noqonaya kii ugu horeysay ee uu ra’isul wasaare Soomaaliyeed sameeyo 4-tii sano ee lasoo dhaafay, iyada oo hadallada kasoo baxaya  mas’uuliyiinta Imaaraadka ay u muuqdaan inuu Rooble ka tirtiray UAE dhammaan wixii ay ka haleeyey Farmaajo iyo maamulkiisa muddadaas.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye