U bood dhigaalka

Rooble oo Ka Hadlay Liiska Xildhibaannada, Fariinna u Diray FEIT

Sheeko:Baarlamaanka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maaxmed Xuseen Rooble waxa uu u hambalye eyay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo shaaciyay najiijada doorashada mudaneyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee JFS ee lagu soo doortay deegaan doorashooyinka kala duwan ee dalka si waafaqsan habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ku bogaadiyey  Dowlad-goboleedyada, Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad goboleed ee SEIT iyo Guddiga xallinta khilaafaadka shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen, waxa uuna rajeynayaa in ay doorashada xildhibaannada dhiman ee wadartoodu tahay 30 Golaha Shacabka ah loo soo dhammeystiro sida ugu dhaqsiyaha badan.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hambalyo iyo duco u dirayaa xildhibaannada cusub ee la shaaciyay isagoo u rajeynaya in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday ee samata bixinta dalka.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ku adkeynayaa in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, waxa uuna ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay khuseyso in ay guddiga ku gacan siiyaan gudashada waajibkooda.
Goobjoog News