U bood dhigaalka

Ruushka Oo Magalooyin Horleh Kala Waregay Ukraine, Akhariso Wararkii Ugu Dambeyay Ee Xaaladda Dagaalka

Sheeko:Caalamka

Ciidamada ruushka ayaa gudaha u galay magaalada Melitopol ee dhacda koonfurta  bari ee gobolka Zaporizhzhya, ee dalka Ukraine, sida ay sheegtay wasarada difaaca ee ruushka.

Ruushka ayaa la shegay in uu weerarka Melitopol u adeegsaday  gantaalaha  nooca loo yaqaano Cruise  iyo gujisyada badda hoosteeda quusa.

Wasaaradda difaaca ee ruushka  ayaa sheegtay in ciidamada moscow ee bartilmameedsaden  boqolaal  kamida kaabayaasha dhaqaalaha iyo difaaca Ukraine.

Dhankooda cidamada Ukraine  ayaa sheegay  in  magaalada Kharkiv  ay dib uga gurteen ciidamada ruushka kuwaas oo sacadihii la soo dhaafay ku sugnaa.

Ruushka ayaa curyaamiyay in ka badan 800 oo ah goobaha kaabayaasha milatariga Ukraine ilaa hadda, wasaaradda difaaca ee Moscow ayaa sheegtay.

Afhayeenka wasaaradda Igor Konashenkov ayaa sheegay in la burburiyeen 14 garoon diyaaradeed oo militari ah, 19 ka mid ah xarumaha taliska, 24 gantaalada S-300 ee lidka diyaaradaha iyo 48 saldhigyada Raadaarka. Intaa waxaa dheer, siddeed doonyood oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ukraine ayaa la garaacay, ayuu yidhi Igor .

Dagaalka Ukraine iyo Russia ayaa galay maalintiisa saddexaad, waxaana  wararkii ugu danbeyey ka imanayo ay shegayaan  in ciidamada ruushka ay gudaha ugaleen magalada kyiv.

Madaxweynaha Ukriane Zelenskyy, ayaa ku gacan sayray saaka dalab uga yimid Maraykanka oo ah in loo soo diro diyaarad uu kaga baxo dalkiisa balse Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in uu u baahan yahay lidka taangiyada oo aanu baahnayn diyaarad uu ku baxsado.

Wadamada rer galbeedka  ayaa illa iyo haatan jawaab cad anan  ka bixinin werarka  ruushka uu ku qaaday Ukraine,xili uu moscow  ay wacad ku martay ina ay hadii ay soo faro galiyaan galbeedka ay cawaaqib kala kulmi donaan.

Goobjoog News