U bood dhigaalka

Ruushka oo u Dabaal-degaya 70 Sano Guuradii kasoo Wareegatay Jabkii Hitler Dagaalkii 2-aad ee Aduunka

Sheeko:Caalamka

Munaasabad loogu magacdaray ciidda guusha ayaa May 9-keeda sanad walba waxaa laga xusaa dalka Ruushka.

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayey 70 sano guuradii kasoo wareegatay markii ay Ruusja jabiyeen Ciidamadii Naziga ee Hitler ayaa maanta ka dhacday dalka Ruushka.

Bandhiga waxaa ka qeyb galay 16 Kun oo Askari, 190 ka mid ah Hubkii ugu dambeyay ee Ruushka soo saaro, 150 isugu jira Helicoptero iyo diyaarado caadi ah iyo 3 Madax oo hubka Necluier ah.

Maanta oo kale muddo 70 sano laga joogo, waxaa is dhiibay Ciidamadii Hitler, taas oo soo afjartay dagaal ay dad badan ku dhinteen.

Dagaalka oo socday 1418 maalmood, Waxaa Ruushka(Midowgii Soviet) uga dhintay 27 Milyan, iyadoo ciidamada Hitler ay burburiyeen 170 Magaalo.

Xafladii maanta waxaa kasoo qeyb galay hogaamiyaal ka socda caalamka sida Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey, Madaxweynayaasha dalalka Shiinaha, Hindiya, Masar.

Waxaa diiday in ay bandhigan kasoo qeyb galaan dalalka Mareykanka, Australia iyo Canada sababo la xiriirka arinta Ukrain.
Akhri Taariikhda Dagaalkii Labaad ee Aduunka:

Dagaalkii labaad ee Dunida:(1939-1945)
Waxaa uu dhex maray mar labaad dalalka Xulufada (Midowga Soviet, Ingiriiska, Mareykanka, Faransiiska, Shiinaha, Canada) iyo dadla loo yaqaano Central Powers-ka( Jarmalka Naaziga, Austria, Japan, Talyaaniga Faashistaha, Romania, Hungary iyo Bulgaria) ,dagaalkan oo marka kale ay ku guulaysteen Xulufada, waxaa uu soo gabagaboobay kadib markii Hubka Necluer-ka lagu garaacay Japan isna dhiibay dalkaas,waxaa ku geeriyooday in kabadan 60 Malyan oo isugu jira Rayid iyo Askar, waxaa dhacay Baro-kac ba’an, dhaqaale badan oo bur-buray, waxaa sidoo kale Bur-buray Ururkii ha horeeyay Qaramada midoobay oo lagu magacaabi jiray “League of Nations” tasoo keenya ina dhiso Qaramada Midoobay(United Nations) 1945-tii, dagaalkaas kadib iyo guusha raacday xulufada waxaa soo baxay Labad quwad oo kala ah: Mareykanka iyo Ruushka, waxaa sidoo kale dhexdooda ka dilaacay isku dhac oo midkood waxay rumaysantahay dimoqoraadiyad halka Ruushka uu aaminsanyahay Nidaamka Hanti-Wadaagga tiiyoo keentay inuu dilaaco dagaalkii Qaboobaa.