U bood dhigaalka

RW Cabdiweli oo ka hadlay xildhibaanada Baarlamaanka ee gaaray Puntland

Sheeko:War
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya,  Cabdiweli Sheekh
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadiisa Maamulka Puntland ay u dirtay guddi ka qayb qaata isku soo dhawaynta maamulkaasi iyo Dowladda Dhexe.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in labada dhinac ay isku af garteen sida uu yiri dhamaynta mad madowga u dhaxeeya labada dhinac.

Waxa uu meesha ka saaray Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya warar la xiriira in Xildhibaanada ka degay Magaalada Garoowe ay ku tageen hadalkii Cabdiwali Gaas ee uu ku sheegay in xildhibaanada kaga jira Puntland dib ay ugu laabtaan Deegaankooda.

Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka qayb galay kulan looga hadlay xaaladda amni ee caasimadda dalka kaaso ka dhacay Muqdisho..

Kulanka oo lagu qabtay Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa qaban qaabiyey machadka daraasaadka ee Heritage, iyadoo ay ka qayb galeen xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Intii uu socday kulanka ayaa R /wasaaraha ayaa ka qayb galeyaasha kulanka uga jawaabey su’aalo la xiriira ammaanka caasimadda, gaar ahaan doorka xukuumadda ee sugidda nabad galyada xildhibaannada Qaranka.

R/wasaaraha  ayaa sheegay in xukuumaddu wax ka qabanayso xaaladda nabad galyo ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka intiisa kale.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa xusay iney jiraan dadaallo badan oo wax ku ool ah oo wax looga hortagayo falalka amnidaro oo ay wadaan kooxaha nabad diidka ah.

Dr. C/weli ayaa shacabka ku bogaadiyay sida wanaagsan oo ay ula shaqeeyeen laamaha amaanka, wuxuuna tilmaamay in wada shaqeynta shacabka ay sababtay ka hortaga dhibaatooyin farabadan oo lala doonayay bulshada.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaas ku daray in la saxayo gabi ahaanba dhaliilaha loo soo jeediyey xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadalka Ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli ay xukuumaddu waddo dadaallo dheeraad ah oo wax looga qabanayo falalka amnidarro ee ka dhaca Muqdisho.