RW Cabdiweli: Weeraradii lagu qaaday dowladda waxaa fududeeyay hub yaallay Muqdisho

Ra’iisulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay howl gallada hub ka dhigista ee Mudisho ka socda mid lagaga hor tagayo dhibaatooyin uu sheegay in ay maleegayaan xarakada Al-Shabaab.
Ra’iisulwasaare Cabdiwali Shiikh Axmed waxa uu afka ku dhuftay in hubkii lagu weeraray xaruumaha muhiimka ee dowladda uu ahaa mid aad u culus, isla markaana dalka aanu uga imaan dibadda.
Mudane Cabdiwali waxa uu yiri “ Magaalada Muqdisho waxa ka dhacay dilal, sidaa dareteedna ay qaadayaan tallaabo kasta oo ay ku sugayaan ammaanka caasimadda.”
Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa imaanaya xilli ciidamada nabad sugida dowladda federaalka Soomaaliya magaaladan ayka fuliyeen howl gallo ay ku soo qabteen hub yaallay gudaha Magaalada.
Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii ciidanka nabad sugidda ay weerar ku qaadeen hoyga guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow(Axmed Daaci) oo ay ilaaladiisu ku jawaabeen is rasaaseen saacado socotay, taas oo sababtay in howl galka ay ku biiraan ciidanka AMISOM oo ugu dambeyn gudaha u galay guriga Axmed Daaci sheegayna in ay ka soo qabteen hub fara badan.
Lvqxrw rtsiae Overnight canadian viagra cialis price walmart
Tfkgyw lupsig buying generic viagra online canadian pharmacy cialis
Cftern aqpwxq canadian pharmacy review canada pharmacy