U bood dhigaalka

Saameynta Abaarta Ay Ku Yeelatay Deegaannada Koonfur-galbeed

Sheeko:War

Abaarta hadda ka jirta guud ahaan Soomaaliya ayaa noqoneysa tii ugu saameynta badneyd, uguna darneyd 10-kii sano ee lasoo dhaafay iyada oo dowladda Soomaaliya ay xog rasmi ah ku sheegtay in ay waxyeeladu gaartay ilaa 5, 309, 552 oo qof.

Hadaba warbixintaan waxa GOOBJOOG NEWS  ku eegeysaa saameynta ay dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ay ku reebtay abaarta.

Saameynta abaarta ay ku yeelatay deegaannada Koonfur-galbeed

Waxaa tan iyo markii ay bilaabatay abaarta deegaannada maamulka Koonfur galbeed sameyn balaaaran ay dadka deegaanka ah ku reebtay abaarta.

Dad fara badan ayaa ka soo barakacay guryahii ay daganaayeen, tuulooyinka iyo magaalooyinka qaar ee maamulka, waxaana inta badan dadka ay isugu yimaadeen magaalada baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed.

Tan iyo  November 23, sanadkii hore 2021, dadka abaarta ku barakacaya deeganaada maamulka Koonfur galbeed ay gaarayeen 647,605 qof,  halka January 18, 2022 la diiwaan geliyay 1,096,072 qof in ay ku barakacday abaarta ka jirta deeganada maamulka koonfur galbeed.

Deegaannada sida wayn looga barakacay ayaa waxaa kamid ah Ceel-barde, Waajid iyo Xudur oo Bakool ah halka Bay ay saameynta biyo iyo cunto la’aanta abaarta waxyeeleysay dadka deggan Qansaxdheere iyo Diinsoor.

Koonfur galbeed waxaa ka socdo barakac iyada oo dad badan ay soo gaareen caasimadda Muqdisho oo daris la ah maamulkaasi.

Dhinacyada bulshada, dowladda federaalka iyo maamulka, hay’adaha gurmadka iyo Saaxiibada Soomaaliya, ayaa dhankooda wada gurmadka loo fidinayo dadka ay baarta saameysay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safarkiisii ugu horeyay kadib doorashadii waxa uu ku tagay magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ku booqday xeryaha barakacayaasha ah ee ku yaalla magaalada, isagoo shacabka ugu baaqay in ay qayb ka noqdaan gurmadka abaaraha.

Goobjoog News