U bood dhigaalka

Saddex ka mid ah Xaqiiqooyinka Dahsoon ee uu Xasan Sheikh dib ugu soo laaban karo.

Sheeko:War

Dhawaan waxaa la filayaa in ay dalka ka qabsoonto,doorashada madaxtinimo, madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, waxaa uu ka mid yahay Musharixiinta u taagan xilkaas .

loogama baran siyaasadda Soomaaliya, in mar kale  doorashada uu ku  guuleysto madaxweyne mar la doortay, Waaxaase dhacday in  tiro dhawr jeer ah  ay isa soo sharaxaan madaxweyneyaal hore.

C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynihii TNG, ayaa 2004 tii, waxa uu la loolamay musharixiin badan laakiinse waxaa ka adkaaday C/laahi Yusuf Axmed.

Sidoo kale, Madaxweynihii dowladdii Kumeel gaarka ahayd Shariif Sheikh Axmed, ayaa sanadkii 2012 isagoo xilka haya waxaa ka guuleystay Madaxweynaha haatan.,

Madaxweynaha waqtigiisu uu idlaaday ee Xasan Sheikh Maxamuud, waxa uu dadaal siyaasadeed oo xooggan uga jiraa sidii uu mar kale xilka u hantin lahaa, laakiinse waxa ku hor gudban fursado iyo caqabado siyaasadeed aan la iska indho tiri Karin.

Ma jecli maqaalkan kooban inaan ku qaadaa dhigo,Xasan Sheikh, Waxa u qabsoomay iyo waxa qabyada ka ah, hayeeshee waxaan daaha uga rogi doonaa saddex ka mid ah waxyaabaha u suurta galin kara inuu mar kale  guuleysto .

  1. Daaha doorashada dan baa ugu jirta Xasan Sheikh .

Dib u dhaca is xigxiga ee soo foodsaaray  jadwalka doorashada dadban ee Soomaaliya,  Waxay u muuqataa in ay fursad dahabi ah u tahay Xasan  Sheikh,  taa bedelkeedana waxay caqabad ku tahay siyaasiyiinta kale ee doonaya inay ka qeybqaataan tartanka madaxtinimo, maxaa wacay? Xasan sheikh waxa uu helayaa waqti ku habboon uu ku olaleeyo islamarkaana uu ku soo xiro galiyo siyaasiyiin badan Isagoo sameyn kara balanqaad dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Dhinaca kale dib u dhaca doorashadu,waxay   xagal daacinaysaa hanaanka ololeed ee musharixiinta kale ee xilkan u taagan, maxaa yeelay, waxa ku dheeraanaya waqtiga u diyaargarawga doorashada  taasi oo keeni karta in ay lumiyaan dhaqaalihii ay u qoondeeyeen ololahooda.

  1. Saaxiibada Xasan oo Laga yaabo inay ka mid noqdaan Xildhibaanada Soo socda. 

Arrinta kale, ee suurtagal ka dhigi karta inuu Markale Xasan Sheikh  siyaasadda Soomaaliya, uu sii hoggaamiyo ayaa hadal heynta ku aaddan in saaxiibo badan oo ka agdhaw  ay u ruclaynayaan inay ka mid noqdaan golaha barlaamaanka soo socda .

  1. Arrintii Badda.

Dooddii badda ee u dhaxeysay Kenya Iyo Soomaaliya waxay dhoola-tus  iyo sumcad siyaasadeed u sameysay Xasan Sheikh iyadoo Saameyn baban ku yeelatay qaar ka mid ah ragga la hardamaya .

 

Arrimahaas waxaa ay horseedi karaan in Xasan Sheekh uu mar kale noqdo madaxweynaha Soomaaliya afarta sano ee soo socota.

Cabdiweli Jaamac Barre