U bood dhigaalka

Safiirkii Turkiga ee Soomaaliya oo Loo Magacaabay La Taliye Sare ee Ra’isul Wasaaraha Dalkaasi

Sheeko:Caalamka

 

Dr. Kani

ANKARA, Turkiga — Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya Danjire Cemalettin Kani Torun ayaa loo magacaabay la taliyaha sare ee Ra’isul wasaaraha Dalka Turkiga Mudane Ahmed Davuloglu, wuxuuna kala talinayaa arrimaha Afrika, horumarinta caalamiga ah iyo gargaarka bani aadanimo.

Mudane Kani Torun ayaa waxaa xilka safiirnimada Soomaaliya loo magacaabay waxyar kadib markii Ra’isul wasaarihii hore ee Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan uu booqasho lama filaan ah ku yimid Soomaaliya 19-kii bishii Agoosto, 2011, isaga oo ay la socdaan wafti ka koobnaa xubnaha qoyskiisa iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada.

Intii uu Soomaaliya joogey, danjirahu waxa uu ka sameeyey hoyga safaarada Turkiga bartamaha mid ka mid ha xaafadaha Muqdisho halkaas oo aysan ilaalin ciidamada midowga Afrika, waxa uuna suurtogal ka dhigey in ay aad loo jecleysto habkii uu Turkigu uu taageerayey Soomaaliya.

Dr. Kani ayaa si wax ku ool ah isugu dubariday gargaarkii badnaa ee Turkiga Soomaaliya ka geysteen, taasi oo ay ka mid ahayd deeqo waxbarasho oo ballaaran, dhismaha wadooyinka Muqdisho, dib u hawlgelinta isbitaaladii, dib u dhiska dugsiyadii waxbarsho iyo sidoo kale tabobarka iyo qalabaynta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Mudane Kani Torun markiisii hore waxa uu bartay cilmiga caafimaadka, waxa uuna ahaan jirey guddoomiyaha dhaqaatiirta caalamiga ah laantiisa dalka Ingiriiska, sidoo kale waxa uu si iskaa wax u qabso ah dadka ugu caawiyey meelo kala duwan adduunka.