U bood dhigaalka

Sareedo Maxamed oo Markale Dib Loogu Doortay Kursiga HOP#154 oo FEIT Hakiyey

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa maanta lagu doortay kursi katirsan golaha shacabka Baarlamaanka federalka, kaas oo tirsigiisu yahay HOP#154, guddiga FEIT ayaa amray ku celinta doorashadiisa .

Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa ku guulaystay kadib markii tartanka ay isaga tanaasushay Nasteexo Nasteexo Maxamed Yuusuf, waxaana markii dambe loo qaaday codka gacan taag ah, oo lagu doortay xubinimada Sareedo.

Kursigaan ayaa waxaa uu kamid ahaa afar kursi oo guddiga FEIT hakiyay kadib markii uu sheegay in lagu doortay habraac baalmarsan heshiiskii doorasho ee lagu soo doortay Baarlamaanka 11-aad ee federalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News