U bood dhigaalka

Sarkaal Mareykan ah oo Dil Geystay ayaa Laga Ceyriyay Shaqada

Sheeko:Caalamka

Sarkaal Mareykan ah ayaa laga ceyriyay shaqada kadib markii ay dil u geystay Andre Hill, dilkan ayaa ka dhacay gobolka Ohio, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay agaasimaha Badbaadada dadweynaha Ned Pettus Jr. Dilaaga ayaa lagu magacaabaa Adam Coy waxaa loo heystay in uu si bareer ah uu dilka u gestay iyada oo baaritaan dheer kadib lagu helay dambiga uu gestay.

Bayaan looga joojiyay gabi ahaanba shaqadii sarkaalnnimo ayaa soo baxay isniintii, waxaana uu u qoranaa sidaan:

“Macluumaadka iyo cadeymaha uu sameeyay Thomas Quinlan maadaama uu yahay baaraha, feker ahaanteyda, waa mid aan la dafiri karin xogta iyo baaritaankiisa ku saabsan kiiskaan oo uu soo saaray waa mid si wanaagsan loo taageeray oo ku haboon,” ayuu yiri Pettus.

Cop wuxuu si bareer ah u toogtay Hill, oo ahaa nin madoow ah Talaadadii la soo dhaafay ilbiriqsiyo ka dib markii ay kulmeen waxaa uu ku dooday in uu hubeysanaa balse kaamirooyinka qarsoon muuqaalo laga helay ayaa muujiyay in Andre Hill in uusan hubeeysneen.

Duqa magaalada Andrew Ginther ayaa bogaadiyay go’aanka shaqada looga eryay Coy. Xafiiska Baarista Dambiyada ee Ohio sidoo kale wuxuu dib u eegis ku samaynayaa kiiska dacwadaha ciqaabeed ee ka dhalan kara.

“Hadda waxaan sugeynaa baaritaanka BCI, soo bandhigida cadeymaha garsooraha weyn iyo dacwadaha federaalka ee laga yaabo inay ka timid Waaxda Cadaaladda Mareykanka. Waxaan fileynaa daah furnaan, isla xisaabtan iyo cadaalad. Ginther ayaa yiri .

Goobjoog News