U bood dhigaalka

Sawirro: Muxuu Ka Hadlay Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta Muqdisho lagu daahfuray xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin bulshada caan ka ah, aqoonyahan, indheergarad, haween, dhalinyaro iyo dhammaan qeybalaha kala duwan ee ku nool guud ahaan jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, waxaa guddoomiye  KMG u ah Xasan Sheekh Maxamud, oo ahaa madaxweynihii 8-deedaad ee Soomaaliya 2012-2017.

Haddaba, khudbad uu goobta ka jeediyey waxaa uu xusay inuu yahay nin tanaasul, oo wixii hore uu ka soo tagay, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “umadaha dagaallada sokeeye ka soo baxay, taariikhdii la soo dhaafay, waa lagu kala aragti duwanyahay, geesigii shalay ninbuu burcad u yahay, burcadkii shalayna ninbuu geesi u yahay, laakin aniga waxaan rabaa hal meel in aan ka qaato, taariikhdii la soo dhaafay, wixii wanaagsanaa oo dhacay ayaan rabaa in aan ka qaato”.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka mudane Xasan Sheekh mar uu ka hadlay Somaliland waxaa uu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdaba in loo tago arrintaas waxaa uu ka yiri “Walaalaha waqooyiga ee sida taarikhda halkan looga dhawaajiyey, soo keenay midnimada iyo walaaltinnimada halkan u yimid, oo la isugu biiray, kuna sameysantan jamhuuriyaddii Soomaaliya 1960, runtii waxaa ay mudanyihiin in taariikhda lagu xuso, wanaaggaas iyo niyad samida Soomaalinnimada ay maalintaas noola yimaadeen, maanta duruufta waa isbadashay, oo walaalahaas waa maqanyihiin, oo waxbey tabanayaan, magaca dowladnimada ayey wax ku tabanayaan, magaca dowladnimada in lagu dhibay, oo wax looga bi’iyey ayey tabanayaan, waxaa ila haboon marka dadka Soomaaliyeed dowlad iyo shacaba in aan walaalahaas garawshiyo siinno, markeenna aan u geynno, oo aan u tagno, oo aan midnimadii , dowladnimadii iyo walaaltinimadii in aan qaadno, oo aan agtooda geyno, waan hubaa in aaney nagu soo celineynin”.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka mudane Xasan Sheekh waxaa uu soo jeediyey in Somaliland iyo Puntland looga deydo waxa ay ku fiicanyihiin“Somaliland ayaa kiis ah, oo tijaabo ah, oo doorashooyinka iyo nidaamka ay sameysay iyo baahinta xukunka ilaa heer degmo ay u gaarsiiyeen, waa tarjubo Soomaaliyeed oo la qaadan karo, degenaashiyaha iyo nabadda ka qaadasho ayey leedahay, Puntland oo ku xigta ayaa sidoo kale ah, degenaashiyaha iyo nabadda iyo horumarinta, waayo-aragnimo iyo ka qaadasho ayey leedahay”.

Mudane Xasan Sheekh  waxaa uu sheegay in joogo xilligii gorgortanka, wadahadalka ee laga soo tagay kaligii-taliyennimada “In qof ama wiil Soomaaliyeed inta soo baxo aniga ayaa dalka xoog ku qabsaday, anigaana u taliya inta ha laga baxo inuu yiraahdo, oo keligiis oo talada maroorsado, waa laga soo quustay, reer reer qurac la yiraahdo inat isku tagaan, wiilashooda qoryo u dhiibaan, dalkan xoog ku qabsaneynaa ay dhahaan iyadana waa laga yimiday, oo waa laga soo quustay, maxaa soo haray marka? Waxaa soo haray in si nabad ah, oo wadajir ah, oo wadatashi ah, loo tashado, oo talada loo wadaago fursadda hartay waa middaas, waa midda aan waayihii dhowaa ku soo mashquulsaneyn, hadda iyo mustaqbalka soo socdana aan ku soo mashquuli-doonno”.

Ugu dambeyntii, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka mudane Xasan Sheekh waxaa uu soo jeediyey in la ixtiraamo xeerarka iyo hey’adaha dastuuriga ee dalka ka jira iyo muddada xil-heynta, isaga oo arrintaas ka hadlayey waxuu yiri “Muddada talada laguu igmaday markay dhammaato, si qaanuuni ah, oo nidaami ah in aad uga tago, oo aadan talada ka sii laalacshoomin, oo aadan raaracsoomin”.

Goobjoog News