U bood dhigaalka

Sawirro: Villa Somalia Oo Barnaamijka Farmaajo Ka soo Min-guurisay Madaxtooyada Kenya!!

Sheeko:Dalka

Sida caadada ah, madaxweyne walba xilliga doorashada waxaa uu la yimaadaa barnaamij siyaasadeed uu ku hago dalka, laguna xisaabtamo, taasi oo lagu daabaco baraha faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Muddadii uu joogay madaxweyne Farmaajo, waxaa dib u habeyn lagu wadey mareegta rasmiga ah ee madaxtooyada Soomaaliya(https://villasomalia.gov.so/en/), bartaas waa meel ay tahay in lagu faafiyo qorshaha siyaasadeed, waxqabadka iyo dhammaan keydka madaxtooyada Soomaaliya.

Isla bartan aan ka hadleyno ee Villada ku leedahay Internet-ka ayaa waxyaabaha lagu daabacay dhowaan waxaan ka mid ah qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi ka soo koobiyeeyeen Website-ka Madaxtooyada ama State House dalka Kenya, naqshad iyo barnaamijkiiba waa la soo xaday!!

Sawirkan hoose waa bogga rasmiga ah ee Villa Somalia. Barnaamijka u qoran Farmaajo waa midka Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bogga madaxtooyada(http://www.president.go.ke/) ku daabacay qorshe 5 sano uu ugu magac daray “4ta waa weyn” ama “the Big Four”, kuwaas oo kala ah: Sugnaanta cuntada, guryo jaban, wax soo saar iyo daryeel caafimaad oo dadka oo dhan gaara.

Sawirkan hoose, wa bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Kenya, waa barnaamijka rasmiga ah e Kenyatta

Mr. Uhuru Kenyatta waxaa uu ugu talo-galay in qorshahan uu fuliyo muddo 5 sano ah, waa barnaamij uu ku galay doorasho.

Bogga Villa Somalia ayaa si indho la’aan ah waxaa ay u soo min-guurisay qorshe dal kale iyo madaxweyne kale iyaga oo ka dhigay inuu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo barnaamijkiisa uu ka hor akhriyey baarlamaanka federaalka kuma jirin 4-taas, oo waxaa uu ka hadlay amniga, la-dagaalanka musuqa, soo-celinta kaabayaasha dhaqaale, dib u heshiisiinta, sarreynta sharciga, nidaamka federalism-ka iyo arrimo kale.

Waxaa intaas dheer, Sugnaanta cuntada, guryo jaban, wax soo saar iyo daryeel caafimaad oo dadka oo dhan gaara ma aha arrin ay shacabka uga fadhiyaan dowladda hadda jirto, oo amniga iyo arrimo kale ayaa uga muhiimsan.

Haddaba, waxaa isweydiin mudan sababta Villa Somalia ay u soo qaadatay barnaamij dal kale, oo ay u marin habaabineyso umadda Soomaaliyeed. Dhacdadan waxaa ay abuuri kartaa su’aalo badan oo ay ka mid yihiin: Maxaa ku qasbay arrinkan mise jirtaa arrimo kale oo la soo min-guuriyey, oo nagala qariyey?

Goobjoog News