U bood dhigaalka

Saxaafadda Madaxa Bannaan oo Loo Diiday Tebinta Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Warbaahinta madaxa bannaan ee ka shaqeysa Soomaaliya gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa loo diiday inay tebiyaan kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu furo madaxweyne Farmaajo.

Haddaba falkaas waxaa baaq ka soo saaray ururada u dooda saxaafadda madaxa bannaan iyaga oo ku baaqay in labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ay ka noqdaan go’aankaasi.

SJS oo ka mid ah urrurada u dooda saxaafadda oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxa ay cambaareeyeen falkaasi iyaga oo sheegay in saraakiisha ka tirsan labada aqal islamarkaana qaabilsan arrinkan ay ixtiraamaan dastuurka ku meel gaaraka ah ee dalka u yaal gaar ahaan qodobka  32-aad.

“Waxaanu cambaareyneynaa go’aanka lagaga horjoogsanayo tebinta madaxa-bannaan Kalfadhiga Baarlamaanka Labada Aqal ee loo qorsheeyay in uu dhaco Sabtida 6da Juun. Waxaanu ugu baaqeynaa saraakiisha baarlamaanka ee arrintan shaqada ku leh inay ixtiraamaan Qodobka 32aad ee Dastuurka Dalka oo damaanad qaadaya xaqa helista xogta ay Dowladdu heyso, isla markaana Baarlamaanka ay go’aankooda uga noqdaan si shuruud la’aan ah,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri.

Dhanka kale ururka SOMA ayaa isagana guddoonka labada aqal ugu baaqay inay ka laabtaan go’aankaasi waxaana xoghayaha ururkan Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi uu yiri “Haddii aan nahay Warbaahinta Soomaaliyeed Waxaan ka codsaneynaa dowladda gaar ahaan  maamulka baarlamaanka in ay arintaasi dib uga laabtaan, Warbaahinta gaarka loo leeyahay waa tan bulshada u gudbisa xogaha muhiimka ah, sidda aan ognahay baarlamaanku waa matalaha Shacabka,marka in laga mamnuuco in ay soo tabiyaan kulanka Muhiimka ee furmaya waa wax ay warbaahinta Soomaaliyeed aad uga xun tahay aana Sharci aheyn”.

Tan iyo markii uu talada dalka la wareegay madaxweyne Farmaajo saxaafadda madaxa bannaan ayaa la kulmeysay xarig, handadaad, jirdil, faafreeb iyo in laga hor istaago kulamada muhiimka ah si ay bulshada ugu soo tebiyaan xogaha jira.

Goobjoog News