U bood dhigaalka

Sedex Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo Lagu Toogtay Mareykanka

Sheeko:Caalamka

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa toogasho loo geystay sedex wiil oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, taas oo ka dhacday gudaha dalka Mareykanka, toogashada oo dhacday habeenkii xalay aheyd ayaa waxaa ay la kulmeen xilli ay ku sugaanyeen goob ay ka socotay xaflad aroos, sida ay baahiyeen laamaha amniga.

Dhacdadaan oo ka dhactay magaaladda West Jordan ee gobolka Utah ee dalka Mareykanka, waxaana ciidanka Booliiska ay sheegeen in ay aaminsan yihiin  toogashadaan ay tahay mid si ula kac ah loogu geystay sedexda wiil, iyaga oo xusay in ay xabsiga dhigeen wiil dhallinyaro ah oo looga shakisan yahay inuu fuliyay dilka.

Laamaha ammaanku ma shaacin da’da iyo magacyada wiilsha la toogtay iyo kan wax dilay, waxaana bulshada Soomaaliyeed  ee ku dhaqan magaalada West Jordan soo wajahday cabsi xoogan kadib markii xalay goob aroos ka socday lagu dilay sedex will oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, iyadoo la xiray qof laga shakiyay.

Qoysaska Soomaaliyeed ayey arrintaan waxaa ay ku abuurtay walaac xoogan, waxaana wali socda baaritaan iyo howgallo ay wadaan ciidanka Booliiska ay ku baadi goobayaan in ay ogaadaan xogo dheeraad ah oo ku saabsan falka dhacay iyo qofka sida rasmiga ah uga dambeeyay dilka marka laga tago ruuxa laga shakiyay.

Goobjoog News