U bood dhigaalka

SEIT Hirshabeelle oo Fasaxay Kuraas Horay Loo Hakiyey

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee SEIT Hirshabeelle ayaa shaaciyey in la fasaxay kuraas uu horay u hakiyey gudduga doorashooyinka heer federal, waxaana guddiga uu sheegay in xal laga gaaray cabashadii dhalisay in la hakiyo 3-da kursi.

Kuraasta tirsigoodu kal yahay HOP030, HOP010 iyo HOP066, kuwaas oo yaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana guddigu uu sheegay in maalinta barri la dooran doono sedexda kursi ee guddigu doorashooyinku fasaxay.

1:kursiga tirsigiisu yahay HOP#030 waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Daahir Amiin Jeesoow.

2: Kursiga tirsigiisu hay HOP#010 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey  Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi,

3: Kursiga HOP#066 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Cumar Cismaan Waasuge.
Goobjoog News