U bood dhigaalka

SEIT Koonfur Galbeed Oo Ka Horyimid Hakinta Kuraasta HOP#103 iyo HOP#154

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Koonfur galbeed ayaa ka hor yimid amar ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.

Qoraal ka soo baxay guddiga SEIT ee Koonfur galbeed ayaa shaaciyay in aysan jirin wax cabasho ah oo ka taagan doorashada kuraasta  HOP#103 iyo HOP#154 .

“Kursiga HOP#103 horaa loo fasaxay, HOP#154 cid ka dacwooneysa lama haayo, Guddiga FEIT ha ka shaqeeyo danaha ummada, doorashada carqalada halaga daayo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga SEIT ee Koonfur galbeed.
Guddoomiyaha guddiga FEIT Muuse Geelle Yuusuf   ayaa shalay shaaciyay in la joojiyay kuraasta HOP#103, HOP#154 iyo HOP#086 kaas oo uu ku soo baxay Eedeysane  Fahad Yasin .

“Guddiga doorashooyinka heer federal, iyaga oo ilaalinaaya habraaca gudanayana shaqooyinkooda, waxaa ay horay u joojiyeen 3 kursi oo kala ah HOP#154, HOP#103 iyo HOP#086, kuraastaas oo habraacoodu qaldamay,  ama aan ku toosneyn sidii loogu talogalay dib ayaa looga fiirsanayaa, inta ka horeysana waa la joojiyey” ayuu yiri guddoomiye Muuse Geelle.

Kursiga HOP#103 waxaa horay ugu fadhiyay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo loo diiday in uu u tartamo kursiga waxaana la siiyay Maxamed Cali Xasan 28 November 2021.

Kursiga HOP#154 ayaa waxaa isna ku soo baxday Sareeda Maxamed Cabdalla oo horay ugu fadhisay waxaana cabasho ka keenay qaar kamid ah musharixiintii u tartameysay.

Kursiga HOP#086 ayaa isna maalin ka hor lagu doortay magaalada Baladweyne waxaana loo xiray Fahad Yaasiin oo kamid ah eedeysanayaasha kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil.

Goobjoog News