U bood dhigaalka

Senator Abshir Bukhaari Oo Nasiib Darro Ku Tilmaamay Dagaalka Galkacyo, Kuna Baaqay Shir Lagu Gaarayo Xal Waara

Sheeko:Baarlamaanka

Abshir Maxamed Axmed oo Senator federaalka ah lagana soo doortay maamulka Galmudug ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaallada ku soo noq-noqonaya magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug, waxaa kaloo uu wax laga xumaado ku sheegay burburka ku yimid heshiiska magaalada Abu Dhabi ay ku gaareen madaxda Galmudug iyo Puntland oo waqti gaaban ka soo wareegatay.

Abshir Bukhaari waxaa uu ka hadlay saameysta dagaallada ku leeyihiin umadda deegaanka, isagoo intaa raaciyay in labada dhinacba ay ogyihiin dhibaatadan in ay soo gaareyso caruurta, waalidiinta, xaasaska iyo qaraabada.

“Iyaddoo laga ambaqaadayo dhibaatada hadda jirta, waxaan soo jeedinayaa  in hogaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland ahaan in aan qaadanno mas’uuliyadda sidii dagaalka loo joojin lahaa isla markaana xal waara loo gaari lahaa” sidaa waxaa yiri Abshir Axmed.

Senator Bukhaari waxaa uu soo jeediyay in labada dhinac ay si degdeg ah u wada fariistaan, isagoo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri.

“ Waxaan ugu baaqayaa Senatorada Galmudug in aan si dhaqso ah u booqanno magaalada Galkacyo, lana hadalno hogaamiyeyaasha Puntland si aan u horseedno nabad-galyo iyo xal waara oo laga gaaro dagaalka ka socda deegaanka”.

Ugu dambeyntii waxaa uu Senator Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) ka hadlay sidii loo qeybsan lahaa Kheyraadka gobolka.

“Waxaa naga dhaxeeyo kheyraad ilahey nagu maneystay, waxaa haboon in rabbi ugu mahadcelinaa, isla markaana aan si wacan oo ilbaxnimo ku jirto u qeybsanno, kana fogaanno xalka qoriga caaraddiisa ah, dagaalka Khasaaro moyee cid wax ku heleysaahi ma jirto” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Goobjoog News