U bood dhigaalka

Senator Abshir Oo Galmudug Gaaray, Ajendaha Waxaa Ku Jira Dhageysiga Bulshada Iyo Furitaanka Maktabad

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta booqasho ku tagay magaalada Cadaado, gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug Senator Abshir Maxamed Axmed oo ah guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya isaga oo muddada uu jooga u kuur-geli-doona xaaladda guud ee Galamudug.

Senator Abshir oo ujeedka safarka kala hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri“Waxaan halkan u imid, waa deegaan doorasho, waa halkii la iiga doortay, oo la doonayo xilliga fasaxa inuu xildhibaan walbo deegaankiisa tago, ujeedka waa marka hore in aan dadka dhageysto, kalana hadlo horurmadda iyo baahiyaha ka jira maamulka”.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad mudane Abshir Maxamed waxaa uu sidoo kale sheegay in Cadaado uu ka furayo Maktabad ay bulshada magaalada iyo guud ahaan dowlad goboleedka ka faa’ideysan doonaan, isla markaana saldhig u noqota aqoonta iyo cilmi-baarista.

Ugu dambeyntii waxaa uu Senator Abshi Maxamed, guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare hadalkiisa ku soo gabagabaeeyay“Waxaa ila socda dhalinyarada badan oo mataleysa qeybaha kala duwan ee bulshada, maktabadda waxaa ay qeyb ka tahay mashaariic badan oo aan gobolka ka hirgeliyey”.

Guddoomiye Abshir Maxamed waxaa uu horay deegaanka uga hirgeliyay mashaariic badan oo ay ku jiraan Iskuul ay danyarta wax ku bartaan,  dadaallo wax loogu qabanayo dadka aragga la’a iyo arrimo kale.

Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka 10aad ayaa Julay 10keeda galay 2 bil oo fasax ah, waxaana la filayaa muddada ay fasaxa ku jiraan in ugu yaraan 15 maalin ay tagaan deegaan doorasho, si ay u soo ogaadaan baahiyaha bulshada soo dooratay si ay u hor dhigaan baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka safarka, kala soco, Goobjoog News