U bood dhigaalka

Senator-ada Kasoo Jeeda Galmudug Oo Diyaar u Ah Xallinta Colaadda Gaalkacyo

Sheeko:Baarlamaanka

Senator-ada kasoo jeeda maamulka Galmudug ayaa sheegay iney wadaan dedaal badan oo wax looga qabanayo dagaallada Gaalkacyo kusoo noq noqday.

Senator Samsam Daahir Maxamuud oo kamid ah Senator-adaasi ayaa wareysi ay siisey  Goobjoog News ku sheegtay in ay isku afgarteen iyaga iyo xubnaha aqalka sare ee Puntland in la tago magaalada Gaalkacyo si dagaalka loo damiyo.

“Annaga oo Cadaado joogna baan ka hadalnay arrintaan, waxaan ku heshiiney inaan tagno Gaalkacyo, colaaddaasi la damiyo, waxaan ku heshiinney in Senator-adii Puntland aan xiriir la yeelanno oo annaga oo dhan is raacno, goobta tagno colaadihii la damiyo, xiriiro ayaan wadnaa oo ay is raadiyaan Senator-adii “ ayeey tiri Samsam.

Samsam ayaa sheegtay in 8-da xubnood ee xubnaha aqalka sare u matalaya Galmudug ay diyaar u yihiin iney tagaan Gaalkacyo oo nabadda ka shaqeeyaan.

“Annaga 8-deena diyaar baan nahay, waxaa naga dhiman dhanka Puntland oo raadis ugu jirno, maka gaabineyno, reer Galmudug ahaan aad bay inoo dhibeysaa waxa ka socda Gaalkacyo, 100% diyaar baan u nahay inaan daminno colaadda Gaalkacyo”

Magaalada Gaalkacyo waxaa waayahan dambe ka taagnaa dagaallo u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana jira baaqyo kala duwan oo loo dirayo dhinacyadan isku haya magaaladaasi.

Goobjoog News