U bood dhigaalka

Senator Axmed Xaashi “Dastuurka Qabyo Ayuu Ahaanayaa Inta Xal Laga Gaarayo Arrinta Somaliland”

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Axmed Xaashi Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha qalka sare ee baarlmanaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dastuurka dalka qabyo uu ahaan doono inta ay maqan tahay Somaliland ama xal kama dambeys ah arrinteeda xal laga gaarayo.

Waxa uu sheegay Senator Xaashi in Dastuurka uu u baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iney codka geliyaan, shacabka codeynaya ay ka mid yihiin kuwa Somaliland oo weli aanu jirin isku soo dhowaansho.

Sidoo kale, waxa uu mudanahan sheegay in sharci walbo oo la sameeyo uu qabyo ahaanayo inta Somaliland ay maqan tahay.

“Inta la leeyahay Somaliland wey maqan tahay oo aanay ka qeybgaleyn howsha oo aanay shacabkeeda codeynta ka qeybgaleyn dalka Dastuur Rasmi ah ma yeelan karo, waxanu nahaya Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, xuduudda aan leenahay waa kuwii Lixdankii, maantana gacanta kuma hayno oo waxay leeyihiin waanu go’nay, wadahadalana wey socdaan.. wax walbo oo aan sameynno illaa Somaliland arrinteeda xal laga gaarayo sharciga aanu yeelanno wuxuu noqonayaa mid KMG ah” ayuu yiri Senator Xaashi.

Dhanka kale, Senator Axmed Xaashi Maxamuud ayaa rajo aad u wanaagsan wuxuu ka muujiyey in is faham uu ka dhasho haddii dowladda federaalka ay si dhab ah u wajahdo wadahadallada Somaliland.

Goobjoog News