U bood dhigaalka

Senator Hore oo Loo MagacaabayAgaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magacaabay Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Qaranka, waxaana xilkaas wareegto kasoo baxday lagu magacaabay Senator  hore oo ka tirsanaa Baarlamaankii 10-aad, Maxamed Amiin  Shiikh Cismaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka, waxaana xusid mudan in agaasime loo magacaabay  Xuseen Sheekh Maxamuud.

Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare.

Sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda dowladda federalka Soomaaliya  aynu ay ku leedahay  dalka Kenya, Senator hore ayaa sidoo kale waxaa uu ahaa siyaasiyiinta aad uga aragti duwanaa qaabka uu wax u maamulayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 15-kii bisha laga guulaystay.

Goobjoog News