U bood dhigaalka

Senator Ilyaas “Waa Guul In Laga Heshiiyo Qeybsiga Dakhliga Kasoo Xarooda Kalluumeysiga”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga la socodka Kheyraadka dalka ee aqalka sare baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay heshiiskii KMG ahaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ka gaareen qeybsiga dakhliga kasoo xarooda kalluumeysiga dalka.

Guddoomiyaha guddigaasi Senetor Ilyaas oo waresyi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in wax loo baahnaa ay ahayd in la isku fahmo ka wada faa’ideysiga Kheyraadka badda.

Waxa uu tilmaamay in markii hore dad aan la qoon oo aan Soomaali ahayn iska qaadanayeen kheyraadka badda Soomaaliya ku jiro, balse haddii hadda loo soo jeestay ay la micno tahay in Soomaalida oo dhan ka faa’idi doonaan.

“Heshiiskaas waxaan u arkaa inuu yahay mid taariiqi ah sababo jira awgood, waxaan u arkaa heshiis loo baahnaa, waxaad ogtahay in go’aan laga gaaro qeybsiga kheyraadka, wejiyo kala duwan oo culus ayuu soo maray…in laga heshiiyo kalluunkii dalkaan la dhoofin karo, la qeybsado fursad aad u weyn waaye, dhallinyarada Soomaaliyeedna shaqo abuur u noqon karta, ganacsatada Soomaaliyeedna maalgashi ayeey ku sameysan karaan” ayuu yiri Senator Ilyaas.

11-kii bishan, dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa heshiiska qeybsiga dakhliga kasoo xarooda kalluumeysiga ku gaaray magaalada Muqdisho.

Goobjoog News