U bood dhigaalka

Senator Jurille: Beesha Daarood Uma Tartameyso Guddoomiyaha Aqalka Sare, Kursigaasi Waa Qoondada Somaliland

Sheeko:Baarlamaanka

Senator C/risaaq Xasan Cismaan (Juurille) oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa mar hore meesha ka saarey in uu jiro kullan ay yeesheen beesha Daarood, laguna go’aamiyay in isaga Jurilla ahaan uu noqdo musharaxa beeshaasi ee guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Senator Jurulle waxaa uu sidoo kale sheegayaa in Qoondada 4.5-ka ay doorashada ku saleysan tahay marka la fiiriyo, kursigaasi in ay leeyihiin beelaha ka soo jeeda gobollada waqooyi  ama Somaliland oo aaney isaga iyo cid kale beesha Daarood ahna aaney horey isugu sharixin, isuna sharixi doonin.

Dhinaca kale Senator Cabdirisaq Xasan Jurille, waxaa uu ka hadley shaqada hor-taalla aqalka sare ee federaalka ah oo uu ku sheegey arrimo badan  sida in dowlad goboleedyada dalka  ay yeeshan matalaadda iyo hirgelinta Fedealism-ka, in aqalka sare uu isku xiro dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ay senatoradda matalaan, sharciyo uu horey u taaban waayey aqalka hoose oo la xiriira sharciyo amni, siyaasad iyo arrimo kale ku saabsan in uu xalliyo aqalka sare kadibna uu sharciga u gudbiyo, lana wadaago sharciyeyntiisa golaha shacabka.

Senator Cabdirisaq  Cismaan Jurille, waxyaabaha dhibaatada horey uga  jirtey ee miiska u saran aqalka sare waxaa uu soo qaatey in ay ku jiraan kherraadka dabiiciga ah iyo sidii loo qeybsan lahaa, iyaddoo ay ka wada xaajoonayaa dadka matala maamul goboleedyada ee ku jira aqalka sare.

Qodobada ugu muhiimsan ee ay wax ka qaban-doonaan waxaa uu ku sheegay dib-u-eegista dastuurka iyo sidii cid walba looga shaafin lahaa laguna heli lahaa dastuur caadil ah oo dadka oo dhan ay raalli ka yihiin.

Shaqada kale ay qaban-doonaan aqalka sare waxaa uu sheegey in ay noqon doonto raadinta matalaadda Muqdisho, isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in aaney macquul aheyn in magaalo intaa oo dad ah ku nool yihiin ay matalaad la’aan noqoto, waxaase sidoo kale xusey in ay tahay in aan cidna la dulmin marka laga hadlayo matalaadda Muqdisho.

Ugu dambeyntii Senator Cabdirisaq Cabdirisaq Jurille, waxaa uu aqalka sare ku sheegay meeshii looga hadli lahaa dib-u-heshiisiinta gaar ahaan dowladaha maamul goboleedyada oo dhibaato badan dhex-martey.

Halkan ka dhageyso wareysiga Senator-ka oo dhameystiran:

Goobjoog News