U bood dhigaalka

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud: Wasiir Xoosh Arrintiisa Waan Dhaqaajin Weynay

Sheeko:War

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah xoghayaha Guddiga Dastuurka Baarlamaanka oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ay wado shaqeyn waayeen ka dibna ay ka soo saareen qodobbo ay ku muujinayaan in uu shaqadii loo xilsaartay uu ka soo bixi waayey.

Senator-ka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in arrinta dib u eegista Dastuurka laga dhigto mashruucyo socda sanado.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud waxa uu yiri “Umadda Soomaaliyeed iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay Wasiir Xoosh Jibriil waxaan u sheegeynaa in aan waqti kale aanu ku lumin karin wadashaqeynta Wasiirka waana dhaqaajin weynay arrimihiisa”.

Senator-ka ayaa sheegay in wasiirka uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday, waxa uuna intaasi ku daray in waqti dambe aan lagu qasaarin arrinta dib-u-eegista Dastuurka ee Xoosh Jibriil.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli guddiga dib-u-eegista Dastuurka ay sheegeen in wasiirka Dastuurka XFS ay kala noqdeen kalsoonidii.

Goobjoog News