U bood dhigaalka

Senatorrada Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Sharci Cusub oo Muhiim ah

Sheeko:Baarlamaanka
Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ayaa maan kulan isgu yimid, kaas uu shir guddoomiyeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare  Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).
Kulanka maanta oo ahaa   kalfadhiga labaad kulankiis 17-aad ayaa  Ajandahu ahaa dhamaystirka dooda, Hindise Sharciyeed cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman  ayay Sanatarrada qaar ku soo bandhigeen fikrado, siiqayn iyo  dood ku saabsanayd in sharciga sidiisa lagu qaato oo la ansixiyo markaas kadib.
Gabagabadii markii la soo geba gebeeyay doodii sharciga, ayaa Satarrada qaar waxay soo gudbiyeen Mooshin ku saabsan in  sidiisa lagu qaato, sidaas ayuuna goluhu ku meel mariyay sharciga kadib cod loo qaaday, sharciyaan ayaa dhowan kasoo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka.
Baarlamaanka 11-aad labadiisa golae ayaa muddooyinkaan si deg deg ah usoo saaray sharciyo dhowr ah, kuwaas oo dalka u ah muhiimad gaar ah, sharciyada ka gudbay labada aqal ayaa sugaya sixiixa madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Shiikh Maxamuud si markaas bulshada loogu adeego una dhaqan galo.
Goobjoog News