U bood dhigaalka

Senetor Dufle oo Ka Hadlay in 4.5 Lagu Qeybsanayo Matalaada Gobalka Banaadir uu Ku Yeelan Doono Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Senetor Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah guddiga isku dhafka labada aqal ee loo igmaday diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka qaranka ayaa waxa uu si adag uga hadlay wararka sheegaya in 7-da kursi ee la sheegay in gobalka Banaadir uu ku yeelan doono aqalka sare lagu qeybsanayo nidaamka 4.5.

Dr Dufle ayaa hoosta ka xariiqay in guddiga ay soo jeediyeen in 7-kursi la siiyo gobalka Banaadir haddiiba ay ogolaadaan baarlamaanka isaga oo intaas ku daray inaysan jirin wax go’aan ah oo arrintaasi laga gaaray islamarkaana ay been yihiin wararka sheegaya in kuraastaasi lagu qeybsan doono nidaamka 4.5.

“Xubnaha guddigu waxay isla soo qaadeen, in todoba xubnood la siiyo magaalada Muqdisho, waxayna aheyd arrin soo jeedin ah, laakiin meeshaan waxaan rabaa in aan ka cadeeyo, in aysan jirin wax aan isla go’aaminay ama aan soo saxiixnay oo ah ‘4.5 halagu qeybsado’ ma jirto arrintaas haba yaraatee” ayuu yiri Senetor Dufle.

Senetor Dufle ayaa waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in xubnaha 7-da ah ay yeelan doonaan dadka deegaanka Muqdisho oo uu sheegay in markii horeba iyaga loo doodayay matalaadooda, waxaana guddiga isku dhafka ah ay soo jeediyeen in matalaad ay aqalka sare ku yeeshaan reer Banaadir inkastoo soo jeedintan la horgeyn doono baarlamaanka federaalka ah.

Maalmihii dambe ayaa waxaa si aad ah la iskula dhexmarayay in matalada la siin doono gobalka Banaadir lagu qeybsan doono 4.5 taas oo baraha bulshada ka abuurtay hadal heyn badan waxaana hadalka senator Dufle uu ku soo aadaya iyada oo baarlamaanka Soomaaliya labadiisa gole uu maanta furmayo.

Halkan Ka Daawo Dr.Cisman Maxamuud Dufle Oo Ka Hadlaya Arimaha Gobolka Banaadir

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/257262408823234/

Goobjoog News