U bood dhigaalka

Sergey Lavrov: Itoobiya Waxaan Kala Shaqeyn Doonnaa Dhisidda Xarunta Nukliyeerka Tiknoloojiyadda

Sheeko:Caalamka

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov, ayaa sheegay in dalkiisu uu ku dadaali doono sidii Itoobiya loogu dhisi lahaa xarunta Nukliyeerka Tiknoloojiyadda oo laga dhalinayo tamarta.

Arrintan ayaa timid ka dib markii shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya isaga iyo dhiggiisa  Workneh Gebeyehu Worknehu, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin kuwa gobolka khuseeya.

Sergey Lavrov ayaa sheegay in ujeedka booqashadiisa itoobiya ay tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi iyo midka maalgashi ee ka dhaxeeya labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka ayaa socdaalkiisa Itoobiya ka hor waxa uu soo maray qaar ka mid ah waddamada Afrca oo ay ka midyihiin Angola, Namibia, Mozambique iyo Zimbabwe.

Booqashada Sergey Lavrov ayaa ku soo aadeysa, xilli xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Tillerson uu isna booqasho ku marayo Africa, dalalka uu booqday waxaa ka mid Itoobiya, Kenya iyo Jabbuuti oo uu caawa ka degay.

Goobjoog News