U bood dhigaalka

Shacabka Turkiga Oo U Codeynaya Wax Ka Badalka Dastuurka iyo Kordhinta Awoodaha Madaxweynaha

Sheeko:Caalamka

Cod bixiyeyaasha dalka Turkiga ayaa maanta u codeyn doona afti “Haa” iyo “Maya” ah oo wax looga badalayo 18 qodob oo ka tirsan dastuurka dalkaasi iyo in uu awoodo cusub helo madaxweyne Erdogan.

Aftidan kadib, wax ka badan ayaa iska badali doona dalka Turkiga, tusaale ahaan jagada ra’isul wasaaraha waxaa meesha laga saari doonaa wixii ka dambeeyay doorashada 2019-ka.

Waxaa kaloo wax laga badali doonaa mudada uu xilka heynayo madaxweynaha oo waxaa dhici karta in Erdogan oo xilka iska sii heysto ilaa 2029-ka.

Taageerayaasha Madaxweynaha ee “Haa” waxaa ay sheegayaan in awoodaha madaxweynaha la siin doono ay ka dhigan yihiin in dalka uu helo xasilooni iyo deganaashiyo siyaasadeed kadib 30 sano oo dalkaasi uu dagaal kula jiray jabhadda Kurdistan Workers’ Party (PKK).

Dadka Erdogan ka soo horjeeda ee “Maya” ku codeyn doona waxaa ay sheegayaa in madaxweynaha uu dalka gelin doono qaab keligii taliye ah oo laga yaabo in qofka ra’yigiisa ka soo horjeesta la takoori doono.

Wararka Aftida kala soco, Goobjoog News