U bood dhigaalka

Sharciga Duulista Rayidka oo La Horgeeyey Golaha Aqalka Sare.

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ku yeeshay xarunta Aqalka Sare ayaa loo akhriyey sharciga Duulista rayidka.

Kulankan oo ahaa midkii 32aad ee Kalfadhiga 6aad ee golaha aqalka sare waxaana shir Guddoominaayey Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi, waxaana kulanka ku wehliyey Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed .

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:

Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka, waxaana kulanka goobjoog ahaa wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ( Omaar) iyo xubno ka socday hey’adda duulista hawada.

Wasiirka ayaa horyimid golaha si uu warbixin ugu dhageystaan oo ku aadan sharciga duulista Rayidka, wasiirka ayaana golaha ka hor sheegay in shacigaan uu soo maray marxalado kala duwan“ Maanta adinka ayuu idin hor yaalaa, sharcigaan marxalado kala duwan ayuu soo maray ahmiyadiisana lama soo koobi karo, sida aad ogtihiin waxaan dhahnay sharcigaan waa dastuurkii lagu dhaqi lahaa maamulka hawada, sida uu wadan u jiri Karin dastuur la’aan ayaa sharcigaan la’aantiis aysan hey’adda duulista hawada aysan u jiri Karin”.

Sidoo kale wasiir Oomaar oo hadlkiisa siiwato ayaa yiri” Waxaa xusid mudan sanadkii 2018-ka bishii June 18-dii waxaa si official uga soo wareegay magaalada Nairobi hawada Soomaaliya una soo wareegtay magaalada Muqdisho, bishii June ee 2019-ka shir aan ku yeelanay magaalada Addis Ababa waxaan ku heshiinay Ekaawo in bisha Agoosto 1-deeda shaqaalihii hey’adda dhammaan loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho oo ay noqdaan shaqaale dowladda u shaqeeyo”.

Dhanka kale wasiirka ayaa xusay in maanta guulo badan ay gaartay hey’adda duulista hawada muddooyinkii la soo dhaafayna ay gaartay guulo is dabajoog ah kuwaas oo dadka iyo dadkaba guul u ah waxaana uu yiri “ Isla bishaas Ogoosto waxaa nagu soo wareegay Dekhligii laga qaadi jirey dyaarada maraya hawada oo awal ay maamuli jireen he’ado kale waxaana hadda uu sitoos ah ugu soo dhacdaa gacanta dowladda Soomaliya kuwaasna waa guulihii laga soo gaaray hey’ada duu;ista rayidka ah”.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada Maxamed Cabbdullaahi Salaad ayaa ku dheeraaday ka hadlidda ahmiyada sharcigaan uu leeyahay, waxaana uu sheegay in hadda dowladdu aysan diiwaan galin u sameen Karin diyaarada madaama uusan diyaar aheyn sharcigii lagu dhaqi lahaa waxaana uu sheegay in dharcii dowladdu ay gacanta ku heyso dhawaanna uu dhameeystimi doono. “ Shuruucdaas gacanta ayaa lagu haayaa waana la qorayaa waxaana rajeyneynaa sanadkaan qeybihiisa ugu horeeyo inuu soo dhamaado, oo aan awood u yeelano diyaadaha Soomaaliya la diiwan galiyo ayna ku dhagnaan doonto calaamadii Soomaaliya lagu yaqaanay, waxaana qorshaha noogu jira diyaaraddii Soomaali Airline waxaana ay ku duuli doontaa sharciga iyo diiwaan gelinta soo baxda, diwaan galintaasi waxaa ay ku xiran tahay in sharcigaan idiin horyaallo uu maanta ansaxmo oo uu dhaqan galo”.

Ugu dambeyn Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedkan si rasmi ah loogu wareejiyay Guddiga Kheeyraadka Qaranka ,Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Goobjoog News