Sharciga Hanti-dhowrka: Xukuumadda Oo Isa Siiyey Awoodda Magacaabista Iyo Ceyrinta Hanti-dhowrka

Golaha Wasiirada xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa khamiistii meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka iyaga oo isa siiyey awoodda magacaabista iyo ceyrinta Hanti-dhowrka qaranka.
Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka waxaa ku jira arrimo iska hor imaanaya, waxaa ay marka hore ku bilbaabeen 3 qodob oo muhiim ah sida:
1. Xafiiska Hanti-dhawrka Guud waxaa uu noqonayaa heer federal sida ku xusan 114aad Dastuurka KMG, waxaana uu ka howlgalayaa dhammaann dhulka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
2. Xafiiska heer Federaalka ee Hanti-dhawrka Guud waa Hay’ad Madax-bannaan, waana Hay’adda ugu sarreysa Hanti-dhawrka Soomaaliya,(wuxuuna warbixin siinkaraa hadii loo baahdo Baarlamaanka JFS, Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha XFS.)
3. Hanti-dhawraha Guud wuxuu noqonayaa Madaxa Xafiiska heer Federaalka ee Hanti-dhawrka Guud..
Marka ay sheekada halkaas mareyso ayaa loo gudbey cidda iska leh magacaabista iyo ceyrinta Hanti-dhowrka qaranka, golaha wasiirrada ayaa isa siiyey inay madaxweynaha u soo jeediyaan qofka u sharaxan ama ku haboon jagadan, sidaasi si la mid ah ayey u soo jeedin karaan marka ay u arkaan khatar si ay uga taqasulaan.
Qodobka 17aad ee Xeerka Hanti-dhawrka ee golaha wasiirrada meel-mariyeen waxaa uu ku saabsan yahay magacaabista Hanti-dhawraha, waxaa ku qoran:
“ lyadoo la tixgelinayo Qodobka 114aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, Hanti-dhawraha Guud ee Federaalka, waxaa lagu magacaabayaa Xeer Madaxweynaha JFS, kaddib soo- jeedinta Golaha Wasiirada Xukuumadda JFS si waafaqsan Qodobbada 90-aad (k) iyo 99aad (g) ee Dastuurka KMG ee JFS.
Haddaba, Maxaa ku qoran qodobka 114aad ee la tixgelinayo iyo qodobada 90aad(k) iyo 99(g):
Qodobka 114aad. Xafiisyadda Madaxa Bannaan: Waxaa jiri doona Hey’ado madaxbanaan oo ay yeelanayaan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, sida Garyaqaanka Guud, Hanti-dhowrka Guud, iyo Bangiga Dhexe oo noqonaya Heer Federaal ah.
Qodobbada 90-aad ee awoodaha madaxweynaha xarafka (k) waxaa ku qoran sidan: Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu.
Qodobka 99aad. Xilalka Golaha Wasiirrada, xarafka (g) waxaa ku qoran Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda;
Dhinaca kale, qodobka 19aad ee xaarka Hanti-dhawrka waxaa uu ka hadlayaa Siyaabaha uu Xilka ku waayo Hanti-dhawraha Guud ee Federaalka. Waxaa ku qoran Hanti-dhawraha Waxaa uu xilka ku waayi karaa ayadoo loo maro qaabkii uu ku yimmid ee ku xusan Qodobada 90aad iyo 99aad ee Dastuurka KMG, iyadoo la raacayo habraaca ku xusan Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.
Faragelinta xukuumadda federeaalka ah ee magacaabista iyo ceyrinta Hanti-dhawrka waa arrimo u baahan in dib loogu noqdo, waxaa intaas dheer waxa ay ka hor imaaneysaa mas’uuliyadaha Hanti-dhawrka sida:
b) lnuu ku Sameeyo Hay’adaha Hay’adaha Dowladda baaris maaliyadeed, qiimeynta ku dhaqankooda nidaamka Xisaabaadka iyo habraacyada loogu talagalay, Waxqabadka iyo baarista kale ee la xariirta dhammaan xisaabaadka Guud ee Dawladda, lacagaha, hay’adaha Dawladda, Mashaariicda, barnaamijyada, Shirkadaha Dawladdu leedahay ama ay qayb ku leedahay iyo dhammaan hay’adaha la midka ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
t) Waxaa uu Baarayaa dhammaan xisaabaadka ama Akoonada Dawladda, Maaliyadda, Mashaariicda, barnaamijyada, iyo hay’adaha kale ee Dawladda, Shirkadaha ay Dawladdu leedahay iyo hay’adaha la midka ah ee DFS;
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waa inuu ilaaliyaa sharciga, dhismaha hey’adaha dastuuriga ah iyo kala madaxbannaanidooda. Xukuumaddan waxaa ay shaqo la’aan ka dhigtay baarlamaanka 10aad, sidoo kale waxaa ay faro-gelin ku heysaa guddiyadii madaxabannaanaa, marka inay ku darto Hanti-dhawrka waa dhibaato qaran.
Goobjoog News