U bood dhigaalka

Sheekh Aadan Madoobe oo Ku Guulaystay Guddoomiyaha golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe  ayaa caawa ku guulaystay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad Jamhuuriyadda federalka, kadib markii wareega labaad ay isla soo gaareen Xasan  Cabdi, oo musharraxa kale.

Sheekh Aadan Madoobe  ayaa ka  helay codadkii xildhibaannada golaha 163 cod, halka Xasan Cabdi Nuur  uu helay 89 cod, waxaana isla goobta ay ka dhacday doorashada lagu dhaariyay guddoomiyaha cusub ee  Baarlamaaanka 11-aad  JFS.

Musharraxii laga guulaystay ayaa goobta uga mahadceliyey xildhibaannada doortay iyo kuwa aan dooran intabada, waxaana uu sidoo kale hambalyo uu u diray guddoomiyaha cusub ee la doortay ee kaga adkaaday tartanka Sheekh Aadan Madoobe.

Goobjoog News