U bood dhigaalka

Shiikh Aadan Madoobe oo Mursal Kala Wareegay Xilka Guddoomiyaha

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad Shiikh Aadan Madoobe ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka guddoomiyha golaha, kadib kulan xilwareejin ahaa oo Baarlamaanku isugu yimid, waxaana uu shir guddoomiyey kulankiisii ugu horeeyay, isaga oo xilka kala wareegay guddoomiyihii hore Maxamed Mursal.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Ajandaha maanta la isugu yimid uu ahaa xilwareejinta guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana uu sheegay inuu hoggaanka cusub ee Baarlamaanka 11-aad  uu noqon doono mid ku shaqeeyo sharciga ee uusan u shaqeyn doonin shakhsiyaad ama dano gaar ah.

Guddoomiyaha cusub ayaa 27-kii bishaan waxaa loo doortay guddoomiayaha cusub ee Baarlamaanka 11-aad, waxaana ku-xigeenkiisa  koowaad loo doortay Sacdiya Xaaji Ismaaciil Samatar oo noqotay haweenaydii ugu horaysay oo xilkaan ku guulaysatay iyo Cabdullaahi Cumar Abshirow oo  loo doortay ku-xigeenka labaad.

Baarlamaankii tagay ee 10-aad ayaa waxaa xilalkaan ku fadhiyey Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo guddoomiye ahaa, Cabdiwali Ibraahim Muudeey oo ku-xigeenka koowaad ahaa iyo Mahad Cabadda Cawad oo ku-xigeenka labaad ahaa, Cawad ayaa tartankiisii  ku guuldareystay inuu kusoo baxo xilka ku-xigeenka labaad.

Goobjoog News