U bood dhigaalka

Sheekh Shariif oo Bogaadiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee dowladda KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh  ayaa waxaa uu hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana uu Allah uga baryay inuu  u fududeeyo xilka culus ee loo doortay , isaga oo bogaadiyay guddoomiyaha .

“Waxaan u hambalyaynayaa Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur ( Sh Aadan Madoobe ) oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, waxaan Eebbe uga baryayaa in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay. Waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inta dhimmana inuu noo dhammaystiro.ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay.

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa caawa doorashadii ka dhacay xerada xalane eendaabka ku yaalla, kadib markii uu codad gaaraya 163 cod uu kaga adkaada musharraxii la soo gaaray wareegga labaad ee doorashada Xasan Cabdi Nuur oo dhankiisa helay 89 cod codadkii guud ee la dhiibtay.

Goobjoog News