U bood dhigaalka

Shiikh Shariif oo Jowhar u Doontay Kursiga HOP#146

Sheeko:War

Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, halkaas oo lagu wado in ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah.

Shiikh Shariif ayaa ah musharrax u taagan kursiga tirsigiisu hahay HOP#146, kaas oo Baarlamaankii 10-aad uu ku fadhiyay Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxaana warar hoose ay sheegayaan in kursiga loo xiray shariif uusan jirin tartan furan  oo loogu tartamayo kursigaan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa Muqdisho dib ugu soo laaban doono si loogu dhaariyo xildhibaannimada una qaato shahaadada xildhibaannimo iyo kaarka aqoonsiga ee guddiga horgelinta FEIT uu bixiyo, waxaana doorashadiisu kusoo aadaysaa xilli uu yahay musharrax madaxweyne.

Goobjoog News