U bood dhigaalka

Shiikh Shariif oo Kamid Noqday Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynihii hore dowladdii kumeel gaarka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday xidhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, isaga oo ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 oo dooorashadiisu ka dhacday magaalada Johwhar ee xarunta KMG maamulka Hirshabeelle.

Kursigaan ayaa waxaa uu ahaa mid gacantaag loogu codeeyay Shariif, kadib markii uu tartanka ka tanaasulay Sherif Abukar Ahmed oo ahaa musharraxa labaad ee kursiga u tartamayay, madaxweynihii hore ayaa dalka soo hogaamiyay 2009- 2012, xilligaas oo Xasan Sheekh ku guulaystay doorashadii dhacday ee Madaxweynenimada.

Sheekh Shariif Axmed ayaa ka mid ah musharraxiinta u taagan madaxweynha dowladda federalka Soomaaliya, waxaana lagu tirinayaa inuu ku jiro kuwaada ugu cad cad, waxaana lagu wadaa in dhowaan doorashadu ay ka dhacdo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kadib doorashadii guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka.

Goobjoog News