U bood dhigaalka

kadib Dagaalka Ukrain:-Shiinaha Oo Marin-biyoodka Taiwan Ku Wajahay Markab Dagaal Maraykan ah

Sheeko:War

Maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalalka Shiinaha iyo Maraykanku ayaa Jimcihii ka gudbay marin biyoodka Taiwan ee kala qaybiya jasiiraddaasi iyo dhulweynaha Shiinaha, sida ay sheegeen wasaaradaha difaaca ee Taiwan iyo Maraykanka, saacado ka hor inta uusan  wada hadal dhex marin madaxweynayaasha Shiinaha iyo Maraykanka.

ilo xog-ogaal u ah arrintan oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in markab nuuca diyaaradaha xambaara oo lagu magacaabo Shandong uu ka shiraacday meel u dhow jasiiradda Kinmen oo ay maamusho Taiwan oo ku aadan magaalada Xiamen ee dalka Shiinaha, iyadoo uudaba socday markab dagaal oo Maraykanku leeyahay.

Sida wakaaladdu ku warrantay, markabka burburiyaha ah ee Ralph Johnson oo uu Maraykanka leeyahay ayaa la socday diyaarad xambaarka shiinaha oo markaasi wax diyaarad ahi saarnayn, dawladda Taiwan ayaa marinka u dirtay maraakiib dagaal si ay ula socdaan xaaladda.

Hadal kooban oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa lagu xaqiijiyay arrikan, balse ma aysan bixin wax tafaasiil dheeraad ah oo aan ka ahayn in ciidamadeedu “si buuxda uga warqabeen” waxa maraakiibta iyo diyaaradaha Shiinaha ay ka sameynayaan marin biyoodka Taiwan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Zhao Lijian ayaa su’aalo dhacdadan laga weydiiay uwareejiyay Wasaaradda Difaaca shiinaha, laakiin wuxuu sheegay in markabka diyaaradaha  xambaara ee Shandong uu sameyneyay “tababar joogto ah.”

Marin biyoodka Taiwan waa meel xasaasi ah, Beijing waxay u aragtaa jasiiradda Taiwan inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, waxayna muujisay inay rabto inay maalin uun soo ceshao, xitaa iyadoo la adeegsanayo awood milltry.

Maraykanka – oo ah xulafada ugu weyn ee Taiwan – waxa ay u aqoonsan yahay marin-badeedkan mid caalami ah, waxana uu maraakiib dagaal u soo diraa gobolka si ay u difaacaan waxa uu ugu yeero “xorriyadda adeegsiga marinkan”.

Warka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa yimid ka hor wadahadalkii dhexmaray madaxweynayaasha Mareykanka iyo Shiinaha, kaasoo ay uga wadahadleen xaaladda Ukraine.

Washington waxa ay labanlaabtay taageerada Taipei intii uu xilka hayay Madaxweyne Joe Biden, iyada oo ogolaatay ugu yaraan laba heshiis oo hub ah oo jasiiraddaasi loogu xoojinayo nidaamka difaaca hawada iyo gantaalaha, Beijing waxay u aragtaa taageeradan “mid halis ku ah” xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka.

Shiinaha ayaa si weyn u xoojiyey awoodiisa ciidan sannadihii u dambeeyay, waxaana ladiiwaangaliyay 969 jeer oo ay diyaaradaha Shiinahu ah oo gudaha u galeen hawada Taiwan sanadka 2020, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, waana in ka badan laba jibaar marka la barbar dhigo sanadii 2016.

 

GOOBJOOG NEWS